Hagidaha loogu tallogalay ka hortaga faafida cudurka caabuqa COVID-19 ee baabuurta rikaabka ee warshadaha saadka
Updated 22 December 2020, text added below 8 November 2021. (Published 22 April 2020).
Hagahan hadda lama cusboonaysiinayo, laakiin goobaha shaqada waxaa lagu dhiirigelinayaa inay raacaan tilmaamaha goobta shaqada. Hagahan waxa uu kaa caawinayaa haduu cudurka faafo uu ku sii xumaado Finland ama faafitaanko uu shaqoda ku sii bato. Siyaabaha ugu muhiimsan ee looga hortagi karo cudurka faafitaankiisa waa in la tallaalo dadka, gacmaha la dhaqo, oona laga warqabo hawada is badelkeeda.
Marka uu tallaalku korodho, xannibaadaha iyo talooyinka qaranka waa la joojin doonaa. Xakamaynta iyo tallaabooyinka ka hortagga caabuqa ee goobta shaqada sidoo kale waa la yareenaayaa. Tallaabooyinka ka-hortagga goobta shaqada ee caabuqyada halbowlaha waxay ku saleysan yihiin qiimeynta khatarta ah ee loo-shaqeeyaha, taas oo ah in si joogto ah loo cusbooneysiiyo, iyadoo la tixgelinayo xeerarka gobolka iyo kuwa maxalliga ah. Hawlaha goobta shaqada waxaa go'aaminaya loo shaqeeyaha, kaas oo la tashan kara caafimaadka iyo badbaadada shaqada.
Sidee ayuu fayraska korona u faafaa?
Fayraska korona cusub (SARS-CoV-2) ugu horeyn wuxuu ku faafaa dhibcaha markii qof qaadsan qufaca, hindhiso, hadlo ama heeso. Markii u dhawaanshaha dhow ee dadka kale, fayraska korona wuxuu sidoo kale ku gudbi karaa dhinaca taabashada haddii, tusaale ahaan, qof qaadsan ku qufaco gacmahiisa oo kadib taabto qof kale. Ma jiraan dacwado la garanayo oo caabuqa oo dhinaca sheeyada, xayawaanada ama alaabaha cuntada.
Taxadarka ee gaariga
- Hadafka waa illaalinta darawaliinta qaba kabiinka badbaadada joogtada ah ama ku meelgaarka ama daboolka caaga iyo joogteynta ka fogaanshaha rikaabka.
- Haddii ay jiraan noocyo kala duwan ee duulimaadka la heli karo, baabuurta leh kabiinada badbaadada jiray ayaa la isticmaalayaa.
- Daboolka ku meelgaarka ah ee u dhaxeeyo darawalka iyo rikaabka waxaa lagu sameyn karaa caaga daahfuran, tusaale ahaan dhalo caag ah. Daboolka waxaa loo gelin karaa si madax banaan, laakin waxaa sidoo kale jiro xalalka gelin wanaagsan ee laga heli karo bixiyayaasha adeega kala duwan.
- Daboolka waa in la geliyaa si markaas uusan halis u gelin shaqada darawalka ama ka dagin gaariga xittaa haddii uu jiro shil.
- Rikaabka waa inay ka fogaadaan joogsiga meel u dhow darawalka. Gaariga waa inaan laga buuxin rikaab inta lagu jiro saacadaha mashquulka.
- Haddii gaariga uu horaan u leeyahay daboolka darawalka, illaalo dheeraad ah waxaa lagu gaari karaa ku dhajinta koolada caalamada inta u dhaxeyso darawalka iyo rikaabka iyo ka illaalinayo gelitaanka kuraasta, gaar ahaan safafka ugu horeyso ee kuraasta ee baabuurta weyn, oo leh koolada calaamada.
- Haddii gaariga leeyahay albaabada leh aqriyayaasha kaarka aan ka aheyn albaabka hore ee u dhow darawalka, rikaabka waa inuu horaantii isticmaalaan albaabadaan kale
- Ku hayso gacanta jeermisdilaha gacmaha alkulada ku saleysan ee gaariga haddii darawalka ama shaqaalaha kale ee saadka aysan haysan suurtogalka loogu dhaqayo gacmahooda saabuun iyo biyo. Bar nafsadaada hagida gacmo dhaqida ee Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka Finnish (THL).
- Hawo siinta waa inay daarnaataa oo ay wax ku ool ahaataa.
- Ku rid weelasha qashinka ee gaariga baagaga bacda laga saari karo ama sii rikaabka baaga qashinka gooniga ah, haddii ay muhiim tahay. Ka saar baagaga qashinka safarka kadib adiga oo isku xirayo dhinacyada baaga ama ku kooleynayo xirnaan oo geli baagaga qashinka isku jiro oo gubtid.
- Dhaq gacmahaaga ama isticmaal jeermisdilaha gacmaha kadib taabashada qaababkooda lacag bixinta, alaabaha kale ama qashinka ay gadaal uga tageen.
- Gacmo gashiga la isticmaalay waa in laga saaraa oo la geliyaa weelka qashinka iyada oo aan la taaban sagxadooda banaanka ah. (Fiidiyaha, oo af Finnish)
Neefsiiyahan iyo maaskaraha wajiga
- Maaskarooyinka wajiga waxay muhiim u ahaan kartaa xaaladaha halka ay suurtogal ka tahay inay joogteyso ka fogaanshaha jir ahaanta oo badbaado ah.
- Raacida qiimeynta halista, haddii badrooniga u arko inay muhiim tahay neefsiiyayaasha iyo maaskarooyinka wajiga, badrooniga waxaa waajib ku ah siinta maaskarooyinka illaalada oo kormeero isticmaalkooda. Shaqaalaha waxaa waajib ku ah inuu xirto qalabyada illaalada ee uu siiyay badrooniga.
- Maaskarooyinka wajiga waxay sidoo kale muhiim noqon karaan markii dadka kale u baahanyihiin in laga illaaliyo dhacaanada neefsashada isticmaalaha maaskaraha.
- Badroonigfa waa inuu hubiyaa inay suurtogal tahay in si sax ah loo isticmaalo maaskaro ama qalabka illaalada ee shaqada iyo shaqaalaha garanayo sida si sax ah loogu isticmaalo. Heerkulka sareeyo ee deegaanka shaqada sidoo kale sida isbadelada jir ahaaneed ee da’da la xiriirto sidoo kale sida cudurka neefashada iyo wadnaha way ku adkeyn kartaa isticmaalka maaskaraha wajiga iyo qalabka illaalada neefsashada. Adeegyada caafimaadka shaqada way sameyn karaan baaritaanka caafimaadka si markaas loo go’aansado haddii shaqaalaha looga baahan karo isticmaalka qalabka illaalada ama maaskaraha wajiga.
- Haddii neefsiiyayaasha ama maaskaraha wajiga looga baahanyahay shaqada, lama isrticmaali karo maalinta oo dhan laakin waxaa jiro baahida nasiinyooyinka si markaas darawalka uusan aad u daaleyn oo halis geliyaa badbaadada baabuurta.
- Baahida maaskaraah wajiga iyo neefsiiyaha lagu badelayo haddii ay qoyaan ama ay ka foqaan tusaale ahaan sababtoo ah cunista ama cabida.
THL waxay ku talisaa inay rikaabka ku xirtaan maaskaro xaaladaha xiggo:
- gaadiidka bulshada halka ay adagtahay in laga fogaado u dhawaanshaha dhow
- Haddii rikaab saaranyahay hal wado si u soo qaato baaritaanka fayraska korona oo sugayo natiijooyinka baaritaanka oo qabo sabab degdeg ah ee ku isticmaalo waqti banaanka gurigaaga
- Haddii qofka kaga soo laabanayo Finland aagaga halista ah oo ka soo safrayo meesha imaanshaha, sida eeraboorka, karantiilka iyo sidoo kale haddii aad leedahay sabab degdeg ah oo aad waqti ugu isticmaashid banaanka gurigaaga inta lagu jiro karantiilka.
- Labadada darawaliinta iyo rikaabka waxaa lagula talliyay inay isticmaalaan maaskaraha wajiga la tuuri karo markii rikaabka looga shakiyo inuu qaaday COVID-19. Qofka sidoo kale wuxuu isticmaali karaa neefsiiyayaasha (FFP2, FFP3).
- Horaantii rikaabka waa inuu fariistaa meel ka fog rikaabka sida suurtogalka ah.
Jaheynta darawalka
-
Darawalka waxaa lagu jaheeyay inuu ku xareysto App Koronavilkku mobeelkiisa. Isticmaalka Koronavilkku waxay dadajisaa la xiriirka dadka qaaday fayraska.
-
Haddii xittaa darawalka leeyahay aastaamo dhexaad ah oo COVID-19, isaga/iyada waa inaysan shaqo aadin. Qofka waa inuu isticmaalaa adeega baaritaanka aastaamaha onleenka Omaolo ama la xiriiraa bixiyaha adeega daryeelka caafimaadka ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka shaqadaada oo taleefon ahaan ama onleenka si markaas aad u diyaarsatid balanta baaritaanka fayraska korona. Aastaamaha waxay ku qoranyihiin websaydka Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka Finnish.
-
Isticmaalka maaskaraha wajiga sidoo kale waa lagu talliyay markii la geynayo alaabaha qofka ee kooxyada halista (tusaale ahaan, sida dadka waayeelka ama dadka curyaanka ah).
-
Maaskarooyinka iyo gacmo gashiyada la tuuri karo ee la isticmaalay waa in la iska bixiyaa oo la geliyaa qashinka la isku daray markii la isticmaalo.Iska bixi maaskarooyinka iyo gacmo gashiyada iyada oo aan jirin taabashada sagxadooda banaanka ah. Dhaq gacmahaaga kadib markii aad iska bixisid maaskaraha iyo gacmo gashiyada.
-
Gacmaha waxay u baahanyihiin in la dhaqo ama la isticmaalo jeermisdilaha gacmaha kadib taabashada qaababka rikaabka ee lacag bixinta, alaabaha kale ama qashinka ay gadaal uga tageen
-
Gacmaha waxay u baahanyihiin in la dhaqo sidoo kale markii la nasanayo, markii la cunayo ama ka hor sigaar cabida iyo markii aad ka tageysid shaqada oo guriga aadeysid.
-
Ku taabashada wajigaaga iyo gaar ahaan aaga afka, sanka iyo indhaha gacmo aan dhaqneyn waxay u baahantahay in laga fogaado.
Illaalada darawalka iyo dadka kale, haddii rikaabka qabo aastaamo
- Haddii aad ogaatid rikaab qabo aastaamo, ku hay iyaga sida ka fog ee suurtogalka ah. Gudaha tagsiga, goobta lagu talliyay waa dhinaca midigta ee korsiga gadaal.
- Baska ama nooca kale ee gaadiidka bulshada qofka u qufacayo si xoogan waa in la geeyaa dhinac cad (doorbidia ka fogaanshaha 2 miitir) ee rikaabka kale, haddii ay suurtogal tahay. Maaskaraha wajiga waxaa la siin karaa rikaabka jiran, gaar ahaan gaadiidka safarka dheer.
- Ku hayso gacanta sidoo kale warqada istiraashada gaarka ah, si markaas rikaabka ugu qufaco ama ugu hindhiso istiraashada haddii qofka aysan u suurtogaleyn inuu isticmaalo maaskaraha wajiga
- Haddii ay muhiim tahay, weydii rikaabka inuu ku qufaco istiraashada la tuuri karo ama garbaha shaarkooda.
Nadiifinta gaariga geynta qofka kadib ee looga shakiyay inuu qaaday fayraska korona:
- Ku hayso gacanta tirtiraha jeermisdilaha ama dhalada buufiska oo jeermisdilaha (tusaale ahaan, biyaha leh alkulada boqolkiiba (70%) ama 0.05% koloriinka cusbada) oo tirtirida sagxadaha gudaha ee gaariga safarka kadib, haddii ay muhiim tahay.
- Isticmaal tirtiraha nadaafada oo nadiifinta sagxadaha iyo gelintooda qashinka isku jira markii la isticmaalo.
- Xasuuso inaad tirtirtid joogsiga lacag bixinta, qabsiyada albaabka, gacan saarashada iyo weelasha qashinka sidoo kale sida furayaasha gaariga iyo qalabka isteerinka.
- Isticmaal jeermisdile markii aad qabaneysod gacmo gashiyada illaalada.
- Haddii aad leedahay shakiga xoogan oo rikaab inuu qaaday cudurka fayraska korona, waa inaad nadiifisaa gudaha gaariga oo dhan safarka kadib. Fiiri Hagida nadiifinta ee Machadka Caafimaadka Shaqada Finnish.
La xiriir adeegyada caafimaadka
- Haddii aad qabtid aastaamaha dhexaadka ah ee COVID-19, waa inaad isticmaashaa adeega baaritaanka aastaamaha onleenka Omaolo ana ma la xiriiraa bixiyaha adeega daryeelka caafimaadka ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka shaqadaada oo taleefon ahaan ama onleenka si markaas aad u diyaarsatid balanta. Aastaamaha waxay ku qoranyihiin websaydka Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka Finnish.
For more information, please contact viestinta@ttl.fi
Hagida Machadka Caafimaadka Shaqada Finnish (FIOH) waxaa wada qoray Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka (SMAH) iyo Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka Finnish. Waxaan sidoo kale raacnaa daabacaadaha Xarunta Ka hortaga iyo Xakameynta Cudurka Yurubiyaanka (ECDC) iyo Hay’ada Caafimaadka Aduunka (WHO).
Xarunta Ka hortaga iyo Xakameynta Cudurka Yurubiyaanka(ECDC), COVID-19
- Instructions for workplaces for assessing the risk of COVID-19 infections
- Tips for the remote work and for the return to the workplace
- Frequently asked questions and answers
- Other instructions for workplaces
- Guidelines for employers
- Guidelines for employers to prepare for the coronavirus epidemic
- COVID-19 instructions for the social welfare and health care sector
- Guidelines for preventing COVID-19 infections in early childhood education, pre-primary education and basic education
- COVID-19 risk assessment instructions for the construction industry
- Cleaning guidelines for the prevention of COVID-19 infections
- Guidelines for preventing the spread of the COVID-19 infectious disease in passenger traffic in the logistics industry
- Hagidaha loogu tallogalay ka hortaga faafida cudurka caabuqa COVID-19 ee baabuurta rikaabka ee warshadaha saadka
- Guidelines to the service industry for preventing COVID-19 infections
- Guidelines for cargo ships regarding suspected cases of coronavirus (COVID-19)
- Instructions for farms in Russian Инструкция для ферм на время эпидемии COVID-19
- Instructions for farms during the COVID-19 epidemic
- Instructions for farms in Russian Инструкция для ферм на время эпидемии COVID-19
- Guidelines for the prevention of coronavirus (COVID-19) infections in ports
- Guidelines for workers
- Guidelines for workers to prevent coronavirus infection
- Профилактика заражения коронавирусной инфекцией: инструкция для работников
- Information on surgical masks and respirators
- Information on cloth face masks
- Guidelines for the protection of home care employees
- Instructions for employees: How to use personal protective equipment in waste management
- Guidelines for employers
- Guidelines on different languages